Natiijada Xildhibaannada 5-ta ah ee Maanta Lagu Doortay Kismaayo

Bulsha:- Magaalada Kismaayo xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland waxaa maanta lagu doortay 5 kursi oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda federalka ah  ee Soomaaliya, kuwaas oo horay loo  shaaciyey.

1:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#072 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, kaas oo 75 cod kaga guulaystay musharrax Cabdisamad Maxamed Cabdullaahi, kaas oo helay 18 cod, halka ay halaabeen 2 cod codadkii Guud.

2: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#130 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Mowliid, kadib markii doorashada kursiga ay ka tanaasushay musharrax Haboon Xasan Tifow, waxaana cod gacantaag 100 ah ku guulaystay Xildhibaan Mowliid Cabdi.

3: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#079 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Maxamuud Maxamed Cuma, kadib 72 cod  uu helay, halka  musharrax Farxiya  Xasan Axmed oo heshay 21 cod, waxaana ay horay ugu fadhisay kursiga, waxaa halaabay 2 codad.

4: kursiga tirsigiisu yahay HOP#112 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan  Cabdulqaadir Maxamed Waceys, kaas oo 97 cod oo  oo gacantaag ah, ku guulaystay waxaa tanaasulay musharrax Daauud Cismaan Cali, 3 qof  ayaa diiday, halka 1uu aamussay .

5: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#136 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Cumar Yuusf Qaladiid, kaas 82 cod kaga guulaystay, musharrax  Cabdifitaax Cumar Macalim oo helay 17 cod, sida uu shaaciyey guddiga majirin cod halaabay oo kamid Ergada.

Kuraastaan maanta lagu doortay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay qayb kayihiin golaha shabaka Baarlamanka11-aad ee Jamhuriayadda federalka ah ee Soomaliya, kuwaas oo la gudogalay maalmihii ugu damabaysay dooshadooda waxaa 3 cisho oo quray ay ka hartay malaintii loo asteen gabagaba ee 25-ka bisha.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment