Ciidan katirsan AMISOM oo ka baxay Somalia & kuwo kale oo kusoo wajahan

Bulsha:- Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa bogaadiyay ciidamada Jabuuti sida ay uga qeyb qaadanayaan dadaallada lagu soo celinayo nabadda iyo ammaanka Soomaaliya.

Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan guutada toddobaad ayaa la guddoonsiiyay billado ay ku heleen sida ay ku dhameysteen labo sano iyo bar oo ay ka kamid ahaayeen howlgalka AMISOM. Jabuuti ayaaNA ka mid ah dalalka ay ciidamada AMISOM ka joogaan Soomaaliya, iyada oo garab taagan Ciidamada ka socda dalalka Burundi, Itoobiya, Kenya iyo Uganda.

Munaasabadda Abaal marinta oo ka dhacday magaalada Beledweyne ayaa waxaa shir guddoominayay Taliyaha qeybta Afaraad ee AMISOM Col. Xasan Jaamac Faarax iyo ku xigeenkiisa Col. Yeshiwas Kerbet, waxaana Col. Xasan uu askarta ku ammaanay sida ay ugu dhabar adeygeen fulinta waajibaadka AMISOM iyo sugidda ammaanka magaalada Beledweyne iyo deegaannada ku dhow dhow.

“Waxaan u mahadcelineynaa guutada waqtigeedu dhammaaday ee ciidamada Jabuuti si ay u sugeen ammaanka Soomaaliya gaar ahaan gobollada Hiiraan iyo Galgaduud,” ayuu yiri Col. Xasan.


Taliyaha ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM Col. C/llaahi Muuse Cumar ayaa sidoo kale bogaadiyay ciidamada sida ay gar gaarka bini’aadantinimo u gaarsiiyeen dadka tabaaleysan ee ku dhaqan gobolka.

“Waxaad samayseen intii karaankiina ah oo ay ku jiraan wax ka qabashada abaartii sannadkii hore, daadadka, fatahaadaha, iyo xaaladda macaluusha ee socota,” ayuu yiri Col. Cabdullaahi.

Marka laga soo tago howlgalka militari, ciidamadu waxa ay fuliyeen Mashaariic saameyn Degdeg ah oo lagu taageerayay bulshada ku nool dhulka ay AMISOM ka arimiyaan ee gobolka Hiiraan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment