Xildhibaan Cabdirishiid Maxamed Xiddig oo shahaadada musharaxnimada Xildhibaanimo Kismaayo ka qaatay

Bulsha:- Xildhibaan Cabdirishiid Maxamed Xiddig ayaa qaatay shahaadada musharaxnimada kursiga tirsigiisu yahay 072 oo uu horey ugu fadhiyay.

Kursigan ayuu ka jirey tartan adag, waxaana horey u shaaciyay in uu u tartamayo la taliyaha doorashooyinka ee madaxweyne Farmaajo mudane Cabdi Cali Raage, oo sidoo kale horey la taliye u ahaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Balse waxa ay hadda u muuqataa in Cabdi Cali Raage uusan tagin Kismaayo, islamarkaasna uusan ka mid ahayn dadka isu diiwaangaliyay musharaxnimada.

Cabdirishiid ayaa waxa haatan kursiga kula loolamaya nin aanan aad loo aqoonin oo lagu magacaabo Cabdisamad Maxamed Cabdullaahi.

Sidoo kale Cabdirishiid Xidig oo horey mar ugu tartamay kursiga guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa mar hore warbaahinta ka sheegay in kursiga xildhibaanimada uu kula loolamayo madaxweyne Farmaajo, waa sida uu hadalka u dhigaye.


Office Nairobi Kenya










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment