Musharax loo xiray kursi xildhibaan oo weerar lagu qaaday iyo khasaaraha ka dhashay

Bulsha:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in rag hubeysan ay weerar ku qaadeen Musharax u taagan kursi xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka.

Musharax Xildhibaan Maxamed Faarax Nuur (Maxamed Dheere) oo u taagan kursiga uu tirsigiisu yahay HOP#192 ayaa waxa uu dhaawac fudud kasoo gaaray weerarka maanta lagu qaaday.

Sidoo kale rasaasta ay dableyda hubeysan ku fureen Musharaxa ayaa waxaa ku dhaawacmay labo kamid ah Askarta ilaalada u ah, sida ay noo sheegen goobjoogeyaal.

Weerarka lagu qaaday Maxamed Dheere ayaa salka ku haya khilaaf xoogan oo ka taagan kursiga xildhibaan ee uu isku soo taagay, kaasi oo la soo warinayo in si gaar ah loogu xiray.

Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Puntland ayaa maanta Musharax Xildhibaan Maxamed Dheere siiyay shahaadada musharaxnimada, ayada oo lasii xoojiyay amniga musharaxa oo hore uga mid ahaa xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland.

Kursiga HOP#192 ee uu isku soo taagay Maxamed Dheere ayaa waxa lagu wadaa in maalinta berri ah ay doorashadiisa ka qabsoomto magaalada Garoowe, taasi oo dab ku sii shiday xiisada ka taagan kursigaas, maadama ay ka hor-yimaadeen jufooyin la wadaaga.


Wararka ayaa intaas kusii daraya in xiisada ka dhalatay loolanka kursigaas ay ku baxeen qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka magaalada Garoowe, si loo qaboojiyo oo aysan u dhicin beegsiyo kale.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment