Putin;”Maraykanka waxa uu doonayaa in uu luga u geliyo Ruushka Dagaal”

Bulsha:- Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu isku dayayo inuu dalkiisa u horseedo dagaal ka dhaca Ukraine.

Hadalkii ​​ugu horreeyay ee muhiimka ah ee ku saabsan qalalaasaha dhowr toddobaad gudahood ka taagnaa Yurub ayuu Putin ku sheegay in hadafka Mareykanka uu ahaa in iska horimaad u adeegsado marmarsiiyo si uu cunaqabateyn dheeraad ah ugu soo rogo Ruushka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Mareykanka uu iska indha tiray walaaca Ruushka uu ka qabo ciidamada isbaheysiga Nato ee ku sugan Yurub.

Ruushka ayaa beeniyay eedeymaha reer galbeedka ee ah in ay qorsheynayaan duulaan, ku dhawaad ​​8 sano ka dib markii ay la wareegeen Crimea iyo dagaalada dhiiga badan ku daatay ee gobolada bari ee Ukraine.

Moscow ayaa iyaduna ku eedaysay xukuumadda Ukraine inay ku guul-darraysatay fulinta heshiis caalami ah oo lagu soo celinayo nabadda gobollada bari, halkaas oo ugu yaraan 14,000 oo qof lagu dilay, fallaagada uu Ruushku taageerona ay ka taliyaan dhul badan.

Waxa uu Mr Putin soo jeediyay in haddii Ukraine la siiyo rabitaankeeda ku biirista Nato, ay u jiidi karto xubnaha kale dagaal ay la gasho Ruushka.

Waxa uu u sheegay suxufiyiinta: “Waxay iila muuqataa in Maraykanku aanu aad uga walaacsanayn ammaanka Ukraine…laakin hawshiisa ugu wayn waa in uu xakameeyo horumarka Ruushka, macnaha Ukraine lafteedu waa uun qalab lagu gaadho yoolkan. ”

Loolanka u dhexeeya Ruushka iyo Maraykanka, oo weli haysta hubka nukliyeerka ee ugu weyn adduunka, wuxuu soo bilowday dagaalkii qaboobaa (1947-89). Ukraine markaas waxay ahayd qayb muhiim ah oo ka tirsan Midowgii Soofiyeeti ee shuuciga.

“Maraykanku,wuu iska dhego-tiray walaaca Moscow ee ay kaga jawaabtay dalabaadka Ruushka ee dammaanad qaadka amni ee si sharci ah loo fulinayo, oo ay ku jirto xannibaadda sii ballaarinta Nato ee bariga.”ayuu yiri Putin.

“Bal qiyaas in Ukraine ay xubin ka tahay Nato, waxaana bilaabmaya hawlgal millatari si loo soo ceshado Crimea,” ayuu yiri hoggaamiyaha Ruushka. “Miyaynu la dagaalami doonnaa Nato? Miyuu jiraa qof ka fikiray arrintan? Waxay u egtahay inaysan jirin.”

Horaantii Talaatadii, xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken waxa uu u sheegay dhiggiisa Ruushka, Sergei Lavrov, in la joogo waqtigii Moscow ay ciidamadeeda kala soo bixi lahayd xudduudaha, haddii ay daacad ka tahay in aanay qorsheynayn in ay soo weeraraan.


Mr Blinken ayaa intaa ku daray in Mareykanka iyo xulafadiisa ay diyaar u yihiin in ay sii wadaan wadahadalada wax ku oolka ah ee ay kala yeelanayaan Ruushka arrimaha khuseeya amniga labada dhinac.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment