Mark Zuckerberg oo ku hanjabay in uu dalal badan ka xirayo Facebook iyo Instagram

Bulsha:- Mark Zuckerberg ayaa ku hanjabay in uu Yurub ka xiri doono Facebook iyo Instagram marka la eego muran la xiriira ilaalinta xogta ay la leeyihiin gobolka .

Meta ayaa soo saartay diginin iyadoo sheegeysa in ay dhici karto in ay xirto adeegyadaas haddii Yurub aanay oggolaan in ay raacdo sharciyada ilaalinta xogta iyo xog isweydaarsiga .

Taas ayaa macnaheedu yahay in xogta dadka ee gaarka ah laga soo waarido adeegyo xafidan oo yaalla Yurub halkaas oo si aad ah loogu maamulo sharciyo ka shaqeeya Mareykanka .

Meta ayaa sheegtay in shirkadda ay u dhowdahay in ay joojiso in ay bixiso wax soo saarkeeda ugu muhiimsan iyo adeegyadeeda, haddii aan sharciyada shirkaddu ku duusho la hirgalin.

Meta ayaa sheegtay in qeybinta xogaha u dhaxeeeya dalalka iyo gobolada ay tahay mid culus si loo biixyo adeeeg.

Maxkamad ku taalla Yurub ayaa hor istaagtay in sidaas ay sameyso sirkadda sanadkii 2020kii wa in la ilaaliyaa xogta isticmaalayaasha adeegyadan ee Yurub lagana ilaaliyo in xogtooda la wadaago ama la iibsado iyagoo aan ogeyn.


Iyadoo sidaas ay Meta digniin ku bixisay hadana afhayeen u hadlay ayaa yiri ‘’ Ma dooneyno ujeedkeenana ma aha mana jiro qorshe ah in aan ka guurno Yurub laakiin waxaa xaqiiqo ah in Meta, ganacsiyo kale ,ururo kale iyo adeegyo kale ay ku tiirsan yihiin isweydaarsiiga xogta ee u dhaxeysa Yurub iyo Mareykanka si ay caalamka ugu qabtaan adeeg wanaagsan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment