Ciidanka DANAB & kuwa Madaxtooyada Jubbaland oo howlgal wadajir ah sameeyay

Bulsha:- Ururka 5aad Guutada16aad ee Kamandooska DANAB ee xoogga dalka Soomaaliyeed  iyo Ciidanka Madaxtooyada Jubbaland ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa howlgalka sigaar ah uga fuliyay inta u dhaxeeysa degaannada degaannada Cabdalla Biroole & Buulo Xaaji ee Galbeedka Magaalada Kismaayo, halkaas oo mararka qaar ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka sameeyaan Xubno katirsan Al-Shabaab.

Saraakiil katirsan Ciidanka Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkaan uu ka dambeeyay kadib qeylo dhaan uga timid dadka Shacabka ah oo ka cabanayay in Al-Shabaab ay ka qaadayaan Xoolo ay ku sheegeen Sakawaad iyo lacag farabadan.

Ciidamada ayaa intii ay howlgalka kujireen waxaa ay miinooyin dhowr ah kasoo saareen wadada xiriirisa degaannada Cabdalla Biroole & Buulo Xaaji, halkaas oo dhowr jeer ay ka dhaceen qaraxyo ay ku waxyeeloobeen Askar iyo dad Shacab ah.

Howlgalkaan ay sida wadajirka ah u sameeyeen Ciidamada Kumaandooska DANAB iyo kuwa Madaxtooyada Jubbaland ayaa kusoo beegmay xilli Magaalada Kismaayo ay ka socoto doorashada Golaha Shacabka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment