XASAASI: Shah Rukh Khan oo loo heysto dacwad ah inuu qur’aan u akhriyey meydka Lata Mangeshkar

Bulsha:-  Fanaanada Bollywoodka Lata Mangeshkar, ayaa aaskeeda waxa lagu qabtay beerta Shivaji ee magaalada Mumbai 6-dii Febraayo 2022.

Aaska ayaa waxaa ka soo qeyb galay jilaayaal badan oo caan ah oo uu ku jiro jilaaga weyn ee Bollywood Shah Rukh Khan. Fanaaniinta iyo jilayaasha ka soo ka qaybgalay aaska ayaa isugu jiray Masixiiyiin, Hindu iyo Muslimiin kuwaas oo u ducaynayay haweenayda dhimatay.

Markii la gaaray xilligii uu Shahrukh Khan u ducayn lahaa maydka Lata Mangeshkar, waxa uu ku aqriyay duco oo uu ku dul afuufay jirkeeda.

Balse jilaaga ayaa isla markiiba ficilkiisa waxaa loo badelay inuu aflaagdaynayo ama u gafayo fanaannada geeriyootay taasi oo hadallo badan oo Islaam nacayb ah ka abuurtay baraha bulshada.

Dadkaasi ayaa ku andacoonaya in Shahrukh Khan uu si dhab ah ugu tufay jirkeeda canduf ayna xushmad darro ku tahay Lata Mangeshkar.

Muslimiin badan oo isticmaala baraha bulshadaah ayaa taageero weyn u muujiyay jilaaga iyagoo sheegaya in qofka lagu tufo ay tahay wax caadi ah marka la eego dhanka diinta Islaamka.

“Islaam nacaybka sii kordhaya ayaan xitaa ka tagin jilaaga caanka ah ee Bollywoodka inuu si cad ugu dhaqmo diintiisa.” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii jilaaga taageeraya











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment