Madaxweynaha Jubbaland oo Qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda IOM (Sawirro)

Bulsha:- Madaxweynaha Dowlada Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta aqalka madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayey Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee Hay’adda Caalamiga ah Socdaalka IOM Maxamed Abdikheer waxaana wehlinayey Wakiilka Hay’ada IOM u qaabilsan arimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubaland ayaa wafdiga Hay’ada IOM kala hadlay qorshayaasha dhow iyo kuwa fog ee loo baahanyahay in Hay’ada ay ka qabato deegaanada Jubaland, iyadoo ay muhiimada koobaad la saarayo sidii deg deg looga jawaabi lahaa arimaha abaaraha ee ka jira deegaanka, dadka xiligan la ildaran abaartana loo gaarsiin lahaa biyo, cuno, agabyada lagu dhisto hoyga iyo adeegyada caafimadka oo aasaasi u ah nolasha aadanaha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kala hadlay madaxda Hay’ada IOM sidii xal loogu heli lahaa musiibooyinka soo noqnoqda, dadkana loogu abuuri lahaa fursado ay ku hormariyaan nolashooda.

Ugu dambeeyntii Jubaland iyo Hay’ada IOM ayaa kawada hadlay sidii loo adkeeyn lahaa iskaashiga labada dhinac iyo mashaariicyada kale ee laga fuliyo deegaanada Jubaland.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment