Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in abaar ba’an ay saameysay 4.3 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya

Bulsha:- Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadantinimada ayaa sheegtay in dad lagu qiyaasay 4.3 milyan oo qof ay saameeyeen abaarta ba’an ee ka jirta qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya, halka ay bil ka hor ahayd 3.2 milyan oo qof.

Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay (UNOCHA) ayaa sheegay in abaarta sii kordhaysa ay keentay in ilaa 271,000 oo qof ay ka tageen guryahoodii iyagoo raadinaya biyo, cunto iyo baad.
“Iyadoo xilli roobaadka soo socda aan la fileynin illaa iyo Abriil 2022, Soomaaliya waxay soo foodsaartay masiibo dhici karta,” UNOCHA ayaa sheegtay.

Waxa ay sheegtay in Sanduuqa Dhexe ee Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay uu 25 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah u qoondeeyay wax ka qabashada Abaaraha, waxaana Sanduuqa Bani’aadamnimada Soomaaliya uu dhaqaalahan ku kabay 6 Milyan oo Doollar.

Maalgelin dheeri ah oo loogu talagalay waaxyaha mudnaanta leh ayaa si degdeg ah loogu baahan yahay si loo badbaadiyo nolosha iyo hab-nololeedyada, oo ay ku jiraan maalgelin la taaban karo iyo waqti hore oo loogu talagalay Qorshaha Ka jawaabidda Bani’aadamnimada ee Soomaaliya 2022.

“Biyo la’aan daran iyo helitaan la’aanta fayadhowrka iyo tas-hiilaadka nadaafadda ayaa sare u qaaday halista cudurro dillaaca,” ayay tiri UNOCHA. Waxaa ay ka digtay in abaartu ay sii xoogeysato iyadoo Soomaaliya ay wajaheyso khatarta ah in xilli roobaadkii afaraad oo xiriir ah uu baaqsado horraanta sanadka 2022-ka.

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in abaartu ay sii kordhinayso baylahda daran iyo baahiyaha bini’aadantinimo ee ay sababeen tobanaan sano oo colaado iyo amni darro daba dheeraatay, qalalaasaha cimilada iyo cudurro dillaacay.


Waxa ay sheegtay in kumannaan carruur ah ay ka baxeen iskuullada, kaddib markii waalidiintu aysan awoodin inay iska bixiyaan lacago, iyadoo intaas ku dartay in cunno-yarida ay sii kordhayso, nafaqo-darradana ay ka jirto deegaannada ay abaaruhu saameeyeen.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment