Danjiraha cusub ee dowlada Maraykanka oo warqadaha aqoonsiga u gudbiyay Farmaajo

Bulsha:- Madaxweynaha mudo xiledkisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee Dowladda Maraykanku u soo magacawday Soomaaliya Mudane Larry André.

Danjiraha cusub oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Mudane Joe Biden, ayaa uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, isaga oo soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xoojinta xiriirka iyo wax wada qabsiga ku qotoma danaha qaran ee labada dowladood.

Farmaajo ayaa la wadaagay danjiraha cusub horumarka ay Dowladda Federaalku ka xaqiijisay dhinacyada amniga, dib-u-dhiska ciidanka, dib-u-habaynta hay’adaha maaliyadda, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo dayn cafiska, waxaana Madaxweynaha iyo Danjire André ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, gaar ahaan kor u qaadidda iskaashiga dhaqaalaha, amniga, la dagaallanka argagixisada, arrimaha bini-aadannimada, iyo horumarinta.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Larry André xilka safiirnimo ee loo igmaday, isaga oo la wadaagay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaagayso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment