Doorashada Labo kursi oo ka dhacaysa maanta magaalada Jowhar

Bulsha:- Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka HIRSHABELLE (SEIT) ayaa Shahaadada Musharaxnimada Gudoonsiiyay afar Murushax oo u Tartamaysa Kuraasta Tirsigiisa yahay HOP#070 iyo HOP#115.

Doorashada labaan kursi ayaa waxa ay qabsoomi doontaa maalinta Isniinta ee ay taariikhda tahay 07/02/2022.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP#070 ayaa waxaa ku tartamaya musharaxiinta kala ah Cabdirahmaan Maxamed Sheekh iyo Maxamad Xasan Bariiise,

Sidoo kale kursiga tirsigiisu yahay HOP#115 ayaa waxaa ku tartami doona musharaxiinta kala ah Cali Maxamed Cumar “Cali Balcad” iyo Mulki cabdullahi islow.

Labadan kursi ee maanta lagu dooranayo magaalada Jowhar ayaa la rumeysan yahay inuusan tartan adag ka dhici doonin oo la isu tanaasuli doono.

Kursiga HOP070 ayaa waxaa loo badinayaa inuu tartan la’aan ku guuleysto Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh “C/maan Dheere” halka kursiga HOP#115 la filayo in dib uu ugu soo laabto Cali Maxamed Cumar “Cali Balcad” oo hore u soo noqday Agaasimaha madaxtooyada xilligii uu madaxweynaha ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment