LAYAAB:- Haweeney Xaamilo aheyd oo Madaxa musbaar looga suray si ay u dhasho Wiil !(Sawirro)

Bulsha:-  Ciidamada ammaanka dalka Pakistan ayaa baadigoob xoogan ugu jira nin faallow ah oo la sheegay in haweeney xaamillo aheyd madaxa uga suray musbaar si ay haweeneydaasi u dhasho wiil.

Haweeneyda madaxa looga suray musbaarka ayaa markii ay dareentay xanuun waxa ay tagtay isbitaal kuyaalla magaalada Peshawar si looga soo saaro musbaarka oo dheererkiisu gaarayay ilaa 5 sentimitar.

Dhaqaatiirta ayey haweeneydan u sheegtay in iyadu madaxa isaga surtay musbaarka , hasa ahaatee haweeneydan ayaa markii dambe qirtay in nin faallow ah musbaarka madaxa uga suray si ay u dhasho wiil oo aad u rabtay.

Dr Haider Khan, oo ka shaqeeya Isbitaalka Lady Reading , ayaa sheegay in haweeneyda xaamilada ah aysan si toos u ah u miyir daboomin, balse ay xanuun aad u daran ay dareemeysay markii ay imanaysay isbitaalka.

Haweeneyda madaxa looga suray musbaarka oo ay u joogaan saddex gabdhood ayaa la sheegay in ninkeeda ugu hanjabay in uu ka tagayo hadii gabar kale u dhasho taas oo la sheegay in ay haweeneyda ku xambaartay in ay raadiso ninkan faallowga ah.




Booliiska dalka Pakistan ayaana bilaabay baaritaano ku aadan kiiskan dad badan aad ula yaabeen, waxa uuna taliyaha booliiska magaalada Peshawar cadeeyay in ay ku daba jiraan faallowga halista galiyay nolosha hooyada una sameeyay balan qaad been ah.
















Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment