Weerar culus oo lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Abha iyo Khasaaro ka dhashay

Bulsha:- Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen ayaa diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn ee Drone ku weeraray garoonka diyaardaha Abha ee dalka Sacuudiga, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro kala duwan.

War kasoo baxay Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in diyaarada Drone-ka ee lagu soo weeraray garoonka diyaaradaha Abha uu dhexda ka qabtay barnaamijkooda difaaca hawada, balse ay jiraan firarka diyaarada oo garoonka gaartay.

Inta la xaqiijiyay 12 qof ayaa ku dhaawacay firirka diyaarad Drone ah ee lagu weeraray garoonka diyaaradaha ee Abha,waxaana dadka dhaawacmay isugu jiraan qaar kamid ah shaqaalaha garoonka iyo dad kale oo safar ahaa oo meelo kala duwan ka kala yimid.

Shaqada garoonka diyaaradaha ayaa hakad galay saacado kadib markii weerarka bilowday, waxaana war kasoo baxay Sacuudiga lagu sheegay in shaqada garoonka si caadi ah kusoo laabatay ayna xaaladu hada tahay mid xasiloon.

Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ku xoogan ayaa marar badan weerar ku qaaday  garoonka diyaaradaha Abha oo ku yaalla koonfurta Sacuudiga gaar ahaan meel ku dhaw xadka Sacuudiga la wadaago Yemen.

Ciidamada Cirka Sacuudiga ayaa marar badan fashiliyay hawadana ka qabtay diyaarado iyo gantaalo lagu weeraray gudaha Sacuudiga, waxaana mararka qaar dhacda in diyaaradaha iyo gantaalaha ay baxsadaan ayna waxyeelo gaarsiiyaan dad shacab ah.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment