Gabadhii ku qeylineysay ‘Allahu Akbar’ ee lagu cunsuriyeey dalka india oo sheegtay sabab layaab leh

Bulsha:- Hadal heyn ayaa dhawaan ka dhalatay muuqaal laga arkayay gabadh dhallinyaro ah oo ku dhawaaqeysa erayada “Allahu Akbar” xilli ay ku soo xoomeen rag ku dhow konton oo ka hor istaagayay inay iyadoo Xijaab xiran aaddo iskuulkeeda.

Gabadhan oo lagu magacaabo Miskan Khan, oo 19 jir ah ayaa ka hadashay sababta ku kalliftay inay erayadaas adeegsato.

“Waxaan ku qeyliyay Allahu Akbar sababtoo ah waan cabsaday. Marka aan baqayo, waxaan isticmaalaa magaca Alle,” ayay tidhi.

Miskan Khan, oo ah ardayad kasoo jeedda gobolka Karnataka ee dalka Hindiya ayaa soo jiidatay indhaha caalamka.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaa caalamka qabsaday muuqaal laga soo duubay Miskan oo iyadoo mooto yar ku galeysa dhismaha Jaamacaddeeda ay ka hor imaadeen rag badan oo isbahaystay, kuwaasoo iyagoo qeylinaya eryaday gabadha.

Markii ay ragga badan ku qeyliyeen hal ku dhigyo ka dhan ah xijaabkeeda, ayay mar qura dib ugu jeedsatay, iyadoo hal gacan kor u qaadeysa ayayna ku dhawaaqday “Allahu Akbar”, oo ay dhowr jeer ku celcelisay.

BBC-da oo hadda wareysi la yeelatay Miskan Khan ayaa weydiisay su’aalo ku saabsan muuqaalkaas iyo wixii dhacay maalintaas.

Maxaa dhacay?

“Waxba ma aanan ogeyn, Jaamacadda ayaan ugu socday si caadi ah,” ayay tidhi Miskan.

“Dad koox badan ka kooban oo bannaanka ka yimid ayaa is hor istaagay, waxayna ii sheegeen inaanan gali karin Jaamacadda anigoo xiran Xijaab.

 

“Waxay igu dhaheen, ‘haddii aad rabto inaad gadho gudaha Jaamacadda, iska siib xijaabka iyo shukada kaddibna gal. Haddii aad rabto inaad dharkan xirnaatidna, gurigaaga iska aad'”.

“Dhag jalaq uma aanan siinin. Gudaha ayaan soo aaday. waxaan moodayay inaan si aamusnaan ah kusoo gali doono balse waxaa socotay qaylo iyo dhawaaqa hal ku dhigyo. Waxay nimanka tirada badan ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ay ka mid tahay “Bixi Xijaabka”.

“Waxaan u maleynayay inaan fasalkeyga aadi karo balse wiilashii oo dhan way isoo daba socdeen iyagoo u muuqday inay i weerarayaan. Waxay ahaayeen qiyaastii 30 ilaa 40 qof. Aniga waxaan ahaa kaligey, wax bani’aadannimo ah ma aysan lahayn. Xageyga ayay soo aadeen waxayna billaabeen inay soo ordaan, iyagoo watay maro jaalle ah.

 

“Horteyda ayay imaadeen, maryihii ayay warfiyeen iyagoo igu dhahaya, ‘Ka tag meesha’, ‘Bixi Xijaabka’.”


Muddo intee la eg ayay Xijaab xirneyd?
Miskan ayaa sheegtay in aysan horay wax dhib ah ugala kulmin xijaabka iyo dharka asturnaanta ah ee muujinaya calaamada Muslimiinta.


“Markii ugu horreysay ee aan billaabayay waxbarashada kuleejka ee ka horreysa Jaamacadda, waxaan billaabay inaan Xijaab xirto. Wax dhib ah kuma aanan arki kuleejka. Xaaladdu waxay ahayd sidii hore. Fasalka waxaan aadi jiray anigoo Xijaab xiran. Marka aan fasalka ku jiro cabaayad weyn ma xirto, xijaabka kaliya ayaa xirtaa, si aan timaha u qariyo.”



Miskan Khan waxa ay shegetay in raggii ku mudaharaaday ay intooda badan ahaayeen kuwo aan dhiganin Jaamacaddeeda, balse qaar yar ay ahaayeen ardayda.

 

Office Nairobi Kenya











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment