Al-Shabab oo sheegasho yaab leh kasoo saartay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

Bulsha:- Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii maanta ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

War kasoo baxay Shabaab ayaa lagu sheegay in Is-miidaaye ka tirsan xarakada uu fuliyay qaraxaas, bartilmaamedkiisana uu ahaa afar Bas oo siday Ergo kasoo baxday xarunta Jeneraal Kaahiye oo ay maanta ka dhaceysay doorashada xildhibaanada kasoo jeeda gobolada Waqooyi.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in qaraxaas ku dileen 6 xubnood oo kamid ah ergadii soo xulaysay xildhibaanada iyo 5 kamid ah ciidamadii Booliska ahaa oo saarna kolonyo galbinayay.

Sidoo kale waxaa warka kasoo baxay Al-Shabaab lagu sheegay in qaraxaas uu dhaawac ka gaaray 13 Ergo ah iyo 3 ka tirsan askarta ilaalada u aheyd ee booliska.

Illaa hadda ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijisay khasaaraha ay sheegatay Al-Shabaab inay gaarsiisay ergada iyo ciidamadii la socday, maadama ay wararka qaar sheegayan in ergada qaraxaas lala beegsaday ay ka badbaadeen.

Dhanka kale, Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo goor sii horeysay ka warbixiyey qaraxaan ayaa sheegay in waxyeelo xoogan kasoo gaartay dad shacab ah oo xilligaas ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Maalmihii u dmabeeyey ayaa waxaa gudaha caasimada ee Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah ammaanka, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ku soo aaday, xilli doorasho.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment