Cali Guudlaawe oo kulamo xasaasi ah ka wada Magaalada Baladweyne (Sawirro)

Bulsha:- Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Beledweyne kulamo kala duwan kula qaatay  Nabadoonada iyo Waxgaradka Beelaha Jidle, Shiikhaal, Makane Reer Shabeelle iyo Beesha Sedex Cumarow.

Cali Guudlaawe oo si gaar gaara ula kulmay beelahan ayaa uga mahadceliyay taageerada iyo garab istaaga ay u muujiyeen Dowladda Hirshabeelle, waxa uuna u sheegay inay heli doonaan xuquuq walba oo kaga maqan Maamulkiisa.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay in si wadajir ah looga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka bulshada, hay’addaha amnigana ay kala shaqeeyaan amaanka iyo xasilinta Magaalada.


Cali Guudlaawe oo maalmahan ku sugnaa magaalada Baladweyne ayaa halkaas ka wada kulamo kala duwan oo uu la yeelanaayo waxgaradka beelaha dega gobolka Hiiraan qaarkood.

















Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment