Ruushka oo dhoolatus militari ka bilaabay dalka Belarus

Bulsha:- Ruushka ayaa 10 maalmood oo dhoolatus militari ah ka bilaabay dalka Belarus khamiistii, wuxuuna lix ka mid ah maraakiibtiisa kusoo xiray deked istaraatiiji ah oo ku taal Badda Madow, taas oo uu dhaleeceyn kulul kala kulmay saraakiisha Ukraine oo ku sifeeyay ficillada Moscow inay sii kordhinayaan xiisadaha gobolka.

Dhaqdhaqaaqa Ruushka ee Belarus ayay ka qaybqaatay kumannaan ciidamo ah iyo hub casri ah sida gantaalada S-400, kuwa difaaca hawada ee Pantsir system-ka iyo diyaaradaha dagaalka ee Su-35.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in lix markab ay gaareen dekedda Sevastopol ee gobolka Crimea, taas oo Moscow ay ka qabsatay Ukraine sannadkii 2014-kii. Maraakiibta Ruushka ayaa dejinaya ciidamada, gaadiidka iyo agabka kale.

Saraakiisha Moscow iyo Minsk ayaa sheegay in ciidamada Ruushku ay soo gabagabeyn doonaan dhoollatuska, ayna ka bixi doonaan Belarus kadib 20-ka February. Laakiin saraakiisha reer galbeedka ayaa weli ka baqaya in Ruushka oo duulaan ku ah Ukraine uu kusoo dhawaado isaga oo wata 100,0000 oo ciidan ah dal ay mar wada ahaayeen midowga Soviet.

Wadahadal u dhaxeeyay Ukraine iyo Ruushka ayaa Khamiistii soo idlaaday yadoo aan wax horumar ah laga gaarin.


Raisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa Khamiistii isna u safray Brussels, si uu xaaladdan ugala hadlo Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg kahor inta uusan u ambabixin kulamo kale oo uu waddanka Poland kula yeesho hoggaamiyayaal kale.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment