Farmaajo & Fahad Oo dejiyey shirqoolkii ugu weynaa ay la rabaan Axmed Madoobe

Bulsha:- Maqaal lagu daabacay Wargeyska The Star Ee kasoo baxa Kenya maanta oo sabti ah ayaa waxa ciwaan looga dhigay is afgaran waa ka taagan doorashada Soomaaliya ee dib u dhac ku yimaada 25-ka bishaan February 2022 oo lagu ballamay in lasoo gaba gabeeyo.

Marka la eego madaxda Soomaalida oo bishii hore ku heshiiyey shir ka dhacay Muqdisho ayey isku waafaqeen in doorashada lagu qabto muddo kooban lagana daba marin karin 25ka Febraayo.

Iyadoo doorashada ay socoto ayaa hadana waxaa Wargeyska uu sheegay in ay jiraan siyaasiyiin kasoo jeeda Jubbaland oo maleeshiyo qoranaya si ay u bur buriyaan Maamulka Axmed Madoobe.

Il wareed ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo ayaa The Star uu sheegay in ay usheegeen 30-kii bishii Janaayo Magaalada Nairobi kulan ku yeesheen Siyaasiyiin uu hogaaminayey wasiirkii hore ee gaadiidka & duulkista hawada Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar , halkaasi oo ay shirkooda ka soo saareen qorshe lagu qalqal gelinayo xasiloonida Jubbaland.

Maqaalka wargeyska oo umuuqday inuu xog ka helay siyaasiyiinta shiray,Saraakiil Dawlada Soomaaliya ah iyo xubno ka mid ah Maamulka Jubbaland ayaa waxa uu sheegay in shakhsiyaad uu ku jiro Cabdi Cali Raage lataliyaha Madaxweyne Farmaajo dhinaca Arimaha doorashooyinka uu qeyb ka yahay siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Axmed Madoobe qorshaha la dejiyeyna uu ra’yi ku lahaa.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dhawaan tegay Nairobi islamarkaana siyaasad ahaan saaxiib dhow la ah dowladda Kenya ayaa kasoo horjeeda in MD Farmaajo mar kale la doorto.

Xogta Wargeyska Kenya kasoo baxa saaka oo sabti ah shaaciyey waxa uu ku sheegay in Hub sharci daro ah la doonayo in Kismaayo laga dejiyo si maamulka Jubbaland lagu bur buriyo.

Kiiska Raage ayaa yimid dhowr bilood ka dib markii Jubaland oo garab ka heleysa Puntland ay diiday inay ka qeyb galaan wadahadal uu la yeesho Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa soo ifbaxay khilaaf u dhexeeya dowladda federaalka iyo Jubaland, gaar ahaan ka dib markii Madoobe dib loo doortay bishii Augusto 2019-kii doorasho ay qaadacday Villa Soomaaliya, balse markii dambe heshiis la gaaray ku ogolaatay in Axmed Islaam Madoobe Labo sano si kumeel gaar ah xilka usii haayo.

BEESHA CAALAMKA

Beesha Caalamka oo si weyn u maalgalisay hanaanka siyaasadeed ayaa ka dhawaajisay inay ka walaacsan tahay xiisada doorashada, iyadoo cadaadis ku saaraysa dhinacyada ay khuseyso inay ka soo baxaan waqtiga loo qabtay 25-ka Febraayo.

Mareykanka, EU, UN, AU iyo Igad ayaa ka cabsi qaba xasiloonida dalka iyadoo ka digtay in doorashada oo wakhtigeeda lagu qaban waayo ka dhalan karto xaalad aan ufiicneyn dalka iyo dadka.

Ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Kiki Gbeho ayaa Arbacadii la kulantay Axmed Cawil Warsame oo ah Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Federaalka Soomaaliya, waxayna ka wada hadleen diyaar garowga doorashada ee socda, qoondada haweenka ee 30% iyo dhameystirka hab doorasho oo lagu kalsoonaan karo.


Warkaan cusub uu daabacay Warsidaha The Star ee Nairobi kasoo baxa maanta oo sabti ah ma jirto mas’uul ka hadlay oo katirsan Jubbaland kana warbixin kara xogta uu sheegay ee ah in siyaasiyiin ay ku howlan yihiin duminta maamulka Jubbaland.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment