Shir madaxeedka Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa iyo qodobada looga hadlaayo

Bulsha:- Waxaa Goordhaw ka furmay Shir madaxeedka 35-aad ee Midowga Afrika caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa iyadoo Ajandayaasha ugu horeeyaan ay yihiin Afgambiyada Military ee Qaarada ee faraha ka baxay iyo  in Israa’iil la siiyo maqaamka xubin goobjooge ah ururka waxaana qodobkaan durba ku kala qaybsan dowladaha Afrika.

Hogaamiyayaasha Afrika ayaa sidoo kale ka doodi doona wax ka qabashada masiibada COVID-19.

Shir madaxeedka ka dhacaya caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa sidoo kale la filayaa in taageero loogu ururiyo sidii Afrika ay u heli lahayd matalaadda joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Ururka Midowga Afrika oo bisha July u dabaaldagaya sannad-guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay aas aaskiisa, ayaa inta badan waxaa lagu dhaleeceeyay is-faham la’aantiisa ku aaddan wax ka qabashada dhibaatooyinka ka jira qaaradda oo ay ku nool yihiin 1.3 bilyan oo qof.

 













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment