Layaab: Is rasaaseyntii xalay ka dhacday Gaalkacyo Booliska oo gacanta ku dhigay khamri fara-badan iyo gaarigii waday.

Bulsha:- Ciidammada Booliska Puntland oo howlgallo ka wada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa gacanta ku dhigay khamri fara-badan iyo gaarigii waday.

War kasoo baxay Taliska Qeybta Booliska gobalka Mudug ayaa lagu sheegay in khamrida ciidammadu gacanta ku dhigeen ay gaarayso ilaa 20 kartoon, taas oo si dhuumaaleysi ah looga ganacsanayay.

Sidoo kale, Taliska Booliska gobalka Mudug ayaa sheegay in Ciidammada iyo kooxihii ka ganacsanayay khamrida ay dhexmartay Is-rasaaseyn, Mana jiro wax khasaare ah oo ka dhashay.


Booliska Puntland ayaa magaalooyinka waa weyn ee mandiqada ka wada howlgallo balaaran oo ka dhan ah ka ganacsiga maandooriyaha, sida khamrida iyo xashiiska, oo deegaanada Puntland kasoo gala xadka Puntland ay la wadaagto Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment