Dalalka Iran iyo Jarmalka oo ka wada hadlay heshiiska Nuclear-ka

Bulsha:- Wasiirrada arrimaha dibadda  Jarmalka iyo Iran ayaa ka wada hadlay heshiiska nukliyeerka iyo sidoo kale arrimaha labada dal, gobolka iyo caalamka, kulan ay ku yeesheen magaalada Munich sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed.

Hossein Amir-Abdollahian ayaa u sheegay dhiggiisa Jarmalka Annalena Baerbock in Iran ay weli ka go’an tahay inay heshiis ka gaadho wada xaajoodyada ka dhacaya Vienna haddii la ixtiraamo khadadka cas ee dalka iyo dalabaadka sharciga ah ee ay buuxiyaan dhinacyada kale, ayay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Wasiirka arrimaha dibedda Jarmalka Baerbock dhankeeda sheegtay in wadahadalada marayaan meel xasaasi ah iyo in dhammaan dhinacyada looga baahan yahay inay ku dadaalaan sidii ay marxaladdan uga gudbi lahaayeen wakhtiga ugu yar ee suurtogalka ah oo ay furaan cutub cusub.

afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Ned Price ayaa Arbacadii sheegay sheegay in wadahadaladu marayaan heer gabogabo ah.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment