Shimbir kunool Afrika oo qofkii dila lagu xukumayo Xabsi Daa’in (Sawirro)

Bulsha:- Dowladda Uganda ayaa soo saartay sharci cusub oo lagu ciqaabayo dadka dila ama waxyeelada u geesta shimbir astaan qaran dalkaasi ka ah, si looga hortago in shimbiradaasi ay gabi ahaan dabar go’aan.

Shimbirtan la ciqaabayo qofkii dila ayaa aad looga jecel yahay dalka Uganda, waxaana shimbirtan lagu sawiray calanka dalka Uganda, iyadoona loo ixtiraamo shimirtan in ay tahay astaan qaran.

Dowaladda Uganda ayaa sheegtay in shimbirtan qofkii dila lagu ridayo xukun xabsi daa’in ah sidoo kale lagu ganaaxi doono lacag dhan 20 bilyan oo lacagta dalka Uganda ah una dhiganta $5.7 milyan oo doolar.

Guddoomiyaha Duur-joogta Uganda George Owoyesigire, ayaa sheegay in shimbirtan ay sii dabar go’eyso, waxa uuna xusay ay la bur buriyay sidoo kale la deegaansaday goobihii ay ku noolaayeen.


Shimbirtan astaanta qaran u ah dalka Uganda ayaa hada tirada dalkaasi kunool lagu qiyaasay ilaa 8,000, halka sanadkii 1989-kii dalkaasi tirada shimbarahan ay gaarayeen 35,000 sida ay dowladda Uganda sheegtay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment