Baarlamaanka Ethiopia oo ansixiyay qaraar loogaga qaadayo Bandowga dalka Ethiopia

Bulsha:- Aqalka hoose ee baarlamaanka thiopia ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay qaraar lagu qaadayo xaaladda degdegga ah ee ka jirtey dalka Ethiopia.

Waxay daba socotaa soo jeedintii golaha wasiiradda ee ra’iisul wasaare Abiy Axmed bishii hore ee lagu soo afjarayo xaaladda degdegga ah.

Wareegtada xukunka deg-degga ah ayaa la soo saaray bishii November ee sannadkii hore muddo lix bilood ah iyadoo isbahaysiga xoogaga fallaagada – oo ay ku jiraan Tigray People’s Liberation Front (TPLF) – ay u sii gudbeen caasimadda Addis Ababa.

Dawladdu waxay go’aankeeda ku sheegtay in xaaladda amni ee soo hagaagtay iyo dhaqaalaha ku baxay wareegtada.


Iyadoo dagaaladii xooganaa ee u dhaxeeyay dowlada iyo fallaagada Tigray uu hoos u dhacay, ayaa weeraro iyo iska hor imaadyo hubeysan ayaa ka socday gobolka Canfarta, ee dariska bari ee Tigray-ga.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment