DEG DEG: Afgembi fashilmay oo ka dhacay Jabuuti & Xaalka Madaxweyne Geelle

Bulsha:- Wararka inaga soo gaaraya Dalka Jabuuti ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay saacado ka hor Afgembi fashilmay oo talada dalkaasi looga tuuri lahaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Inkabadan 20 sano ayuu xukunka hayey Geelle,waxaana la ogaaday in Taliyeyaasha ciidamada Jabuuti qaarkood ay abaabuleen inqilaabkaasi balse laga war helay.

Intaas kadib Madaxweyne Geelle ayaa Amray in xabsi guri laga dhigay saraakiishaasi, sababo la xariira in ay Madaxtooyadu uga shakisay dhaqdhaqaaq ciidan oo ay diyaarinayeen.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in Saraakiishaan xabsi guriga laga dhigay qaarkood ay dhawaan kasoo laabteen meel ka baxsan Dalka Jabuuti.

Tani waxay shaki ku abuurtay dhinaca Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxaa kasii horeeyey fadeexadii Bangiga dhexe ee Jabuuti lagala baxay lacag Malaayiin Dollar, taas oo sababtay xilka inay waayeen wasiirkii Maaliyada xilli tuhun ceeb ah ay daba socoto weli Afhayeenka baarlamaanka jabuuti.


Jamhuuriyada Jabuuti waa dalka ugu yar ee kuyaalla geeska Afrika,deynta ugu badan waxaa ku leh dawladda Shiinaha, waa waddan ay kuwada nool yihiin Qowmiyadaha Soomaalida & Canfarta, mudo ka badan 22 sanno waxaa xukunka haya Ismaaciil Cumar Geelle.

Jabuuti dadkeeda oo aysan hal milyan gaarin ayaa hadana sabool ku ah baadiyaha,xilli dalka ay mashaariicyo kala duwan ka socdaan,Balse geelle lagu dhaleeceeyo keligiis talis.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment