Askari ka tirsan ciidamad Ukraine oo isku qarxiyay buundo si uu celiyo taangiyada Ruushka

Bulsha:- Askarta wadanka Ukraine iyo shacabka dalkaas ayaa la dagaalamaya ciidamada Ruushka iyagoo diyaar u ah inay geeriyoodan waxayna wacad ku mareen inay Putin tusi doonaan wacdaro uusan weligii arkin.

Dadkaas waxaa ka mid ahaa askari ka tirsnaa ciidamada badda oo isku qarxiyay buundada gobolka Kherson ee u dhow Crimea, falkaas oo ahaa mid geesinimo leh oo dib u dhac u keenay dhigay ciidamada Ruushka.

Askarigan ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Vitaly Shakun waxaa uu maamulayay buundada Henichesk ee gobolka Kherson markii Ruushku soo hormaray oo ay miinooyin ka soo saareen.

Sida lagu sheegay qoraal la soo dhigay barta Facebook-ga, guutada ayaa go’aansatay sida kaliya ee ay ku joojin karaan inay tahay inay qarxiyaan buundada. Shakun ma helin wakhti uu ku baxsado. Wuxuu u sheegay saaxiibadiis inuu qarxin doono, isla markiiba waxay maqleen qarax.

Mid ka mid ah saraakiisha sare ee difaaca dalka Maraykanka oo uu soo xigtay CNN ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay la kulmayaan iska caabin ka badan sidii ay filayeen.

Waddooyinka Kyiv ayaa waxaa ku sugan askar iyo dad shacab ah oo hubeysan waxaana ka mid ah hoggaamiyihii hore Petro Poroshenko.

Wareysi uu siiyay CNN, Poroshenko ayaa kor u qaaday Kalashnikov wuxuuna wacad ku maray inuusan marnaba u gacan gelin hogaamiyaha Ruushka iyo ciidankiisa.


Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa soo galiyay muuqaal habeenkii Khamiista oo muujinaya inuu weli ku sugan yahay Kyiv, gaar ahaan xafiisyada dowladda.

“Dhamaanteen halkaan ayaan joognaa. Askarteenu waa halkan. Muwaaddiniintu waa joogaan, waana joognaa. Waxaan difaaceynaa madax banaanideena. Taasi waa sida ay u socon doonto. Ammaan waxaa leh difaacyadayada, lab iyo dhedigba, ammaanu ha u ahaato Ukraine.” ayuu yiri.

Zelensky wuxuu u ogolaaday qof kasta oo da’ kasta ah inuu ku biiro ciidamada qalabka sida, wuxuuna ugu baaqay dadka reer Yurub ee ka yimid wadamada kale inay yimaadaan oo ay ku biiraan dagaalka


Poroshenko, ayaa wareysi uu siiyay CNN, wuxuu ku yiri: ‘Ma haysanno madaafiic, taangiyo, tani waa safka dheer ee dadka isqoray, laakiin ma haysanno hub ku filan.

“Kuwani waa dad caadi ah weligood ciidan ma gelin. Hadda saf ayay joogaan si ay noogu soo biiraan.

“Putin waligiis ma qaban doono Ukraine. Si kastaba ha ahaatee tirada askarta uu haysto, gantaalada uu haysto, hubka nukliyeerka.”ayuu ku goodiyay madaxweynihii hore ee Ukraine.

“Anaga reer Ukraine waxaanu nahay dad xor ah oo leh mustaqbal wanaagsan oo Yurub,” ayuu yiri.
Si kastaba ha ahaatee waxa uu qirtay in aysan jirin qoryo ku filan oo ay ku hareeraysan yihiin raxanta dadka rayidka ah ee hubka qaadanaya.

Tobaneeyo ka mid ah ayaa xalay lagu sawiray iyaga oo isku diyaarinaya in ay ku biiraan kooxaha difaaca ee dalka oo dhan iyadoo sawiro uu la wadaagay xildhibaanka Ukraine Andrii Osandchuk.

Isku soo wada duuboo, ilaa 50,000 oo qaxooti ah ayaa ka qaxay Ukraine tan iyo markii ay bilowdeen iskahorimaadyada horaantii isbuucaan laakiin tiradaas ayaa la filayaa inay sii balaarto maadaama dagaalku sii xumaanayo.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment