Zelensky: Waan hakinnay qorshihii Ruushka ee qabashada Kyiv

Bulsha:- Qaraxyo iyo rasaas ayaa Sabtida maanta ah laga maqlayay caasimadda Ukraine ee Kyiv, xilli ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine ay ku dagaallamayeen gacan ku haynta magaalada.

Saraakiisha Ukraine ayaa ku booriyay muwaadiniinta dalkaasi in ay gacan ka geystaan sidii Kyiv looga difaaci lahaa ciidamada Ruushka. Saldhig ciidan oo ku yaalla caasimadda ayaa la weeraray balse militariga Ukraine ayaa sheegay in weerarka la iska caabiyay.

Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa Sabtidii sheegay in ciidamada Ukraine ay hakiyeen ololihii Kremlin-ka ee lagu doonayay in lagu qabto Kyiv, islamarkaana isaga looga saaro magaalada, wuxuuna ku boorriyay dadka u dhashay Ruushku in ay ku cadaadiyaan hogaamiyaha dalkaasi Vladimir Putin in uu joojiyo duullaanka, sidaasina waxaa warisay AFP.

“Waan ka carqaladeynay qorshahoodii” ayuu hadal muuqaal ah ku yiri hoggaamiyahan 44 jirka ah, isagoo sheegay in ciidamada Ukraine ay gacanta ku hayaan caasimadda Kyiv iyo magaalooyinka waaweyn ee ku hareeraysan.

Dhisme aad u dheer oo ku yaalla caasimadda ayaa gelinkii hore ee Sabtida maanta ah la garaacay. Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine ayaa sheegay in dhismaha uu ku dhacay gantaal ay tuureen ciidamada Ruushka. Ma jiro wax khasaare ah oo la soo wariyay. Muuqaal laga soo duubay ayaa muujinaya qeybta sare ee dhismaha oo burbur xoogani gaaray.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa qiyaasay in dagaalka Kyiv oo sii xoogeysan doono.

“Kyiv waxa ay dooneysaa fiiro gaar ah, ma lumin karno caasimadda,” ayuu yiri.


Zelenskyy ayaa maanta Twitter-kiisa ku qoray in uu la hadlay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron. Waxa uu sheegay in hub iyo agab kaleba ay ku soo wajahan yihiin Ukraine kuwaasi oo ka imanaya dalalka ay xulufada yihiin.

Wasaaradda Difaaca ee ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in ciidamada Ruushku ay gacanta ku dhigeen magaalada Melitopol ee ku taalla koonfur-bari dalka Ukraine.

Ciidamada Ruushka ee ku sii siqaya Kyiv iyo magaalooyin kale oo muhiim ah, taasi oo qeyb ka aheyd qorshe la doonayay in “lagu rido” dowladda Ukraine ayaa haatan u muuqda mid lumiyay xowligii uu ku socday, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah iyo kuwa reer Galbeed ah.

Saraakiisha ayaa sheegay Jimcihii in xogaha sirdoonku ay muujinayaan in howlgalku uusan u socon sidii ay taliyeyaasha Ruushku u qorsheeyeen in uu noqdo.

Zelenskyy oo ku sugan Kyiv ayaa abaabulaya dadkiisa, isaga oo meesha ka saaray warar la isla dhexmarayay oo sheegaya in uu ka baxay magaalada. Waxa u uku adkeystay in isaga iyo saraakiisha kale ee dowladdu ay dhammaan magaalada joogaan si ay “u difaacaan madax-bannaanideenna iyo dalkeenna” ayuu yiri.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment