Al Shabaab oo soo bandhigtay Wariye ka tirsanaa mid kamid ah Telefishinada Soomaalida (Sawirro)

Bulsha:- Xarakada Al Shabaab ayaa deegaan katirsan gobolka Baay kusoo bandhigtay wariye katirsanaa Telefishinka maamulka Koonfur Galbeed , kaa oo la sheegay in uu si iskiis ah isugu dhiibay Al Shabaab.

Xuseen Iimaan Cabdullaahi oo ahaa wakiil wareedkii Telefishinka Koonfur Galbeed u joogay magaalada Diinsoor ayaa isaga oo watay kaamiradiisa shaqada isku dhiibay kooxda Al Shabaab ee ku sugan qeybo kamid ah gobolka Baay.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa shaacisay in Wariye Xuseen Iimaan ka qoomameeyay in uu la shaqeenayay maamulka Koonfur Galbeed, waxa ayna warbaahinta Al Shabaab shaaciyeen in wariyaha is dhiibay cafis loo fidiyay.


Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in ay isku soo dhiibeen xubno katirsanaa shaqaalaha maamulka Diinsoor iyo saraakiil ciidan, waxa ayna xuseen in ay kala firxadeen maamulkii Koonfur Galbeed ugu magacawnaa Diinsoor.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment