Dawlada Qatar oo bahdishay Fahad yaasiin kuna tilmaamtay Jaajuus ushaqeenayey

Bulsha:- Sida muuqata Dawlada Qatar ayaa kala fogaanaya iyada iyo Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin xaaji daahir kadib markii ay u aqoonsatay jaajuus ushaqeyn jiray.

Fahad oo dhawaan xildhibaan baarlamaanka 11aad Soomaaliya loogu doortay kursi yaallay Beled weyne inkastoo la hakiyey hadana waxa uu wajahayaa dagaal kale oo dhinaca Rooble Aheyn kaga imaanaya.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalka Qatar marna soo noqday Wasiirkii Arrimaha dibadda ee dalkaas Sheikh Hamad bin Jassim al-Thani ayaa sheegay in ay sanadkaan soo baxeen xubno soomaaliyeed oo basaasiin u ahaa.

Dadka uu sheegay Jassim ayaa waxay ahaayeen wariyeyaal Carbeed oo jaajuusiin u ahaa dalkiisa Qatar oo hadda qaarkood xildhibaano noqdeen,inkastoo uusan magac dhabin.

Wareysi laga qaaday Sheikh Hamad bin Jassim Al-thani ayuu carabka ku adkeeyey in siyaasiyiinta Soomaaliyeed yihiin kuwo dhuunta wax ka maqla oo qofkii lacag siiya uu adeegsan karo.

“Hadda waxaan kuu sheegi karaa kuwo hore wariyayaal warbaahinta islamarkaana ku jiray payroll-keena lacagna ay siineynayeen hadda ay noqdeen kuwo Baarlamaanka Dalkoosa Soomaaliya ku biiray, Qaarkood hadda waa xildhibaano, qaarkood waa waddaniyiin. Waan aqaanaa, Waddamo badan ayey joogaan lacag ayaan siineynay… Sanad kasta mushaar ayaan siineynay, qaarkood ayaa gunnooyin lahaa” ayuu yiri Hamad.

Inkastoo Soomaaliya iyo dalal kale ay ka mid yihiin kuwa Africa iyo Carabta kale ay basaasiintaasi ujoogeen,hadana sargaalkaasi Qatar udhashay ayaa kashifay xaalad hore shakigeeda loo qabay.

“Dawladaha carabta dhan ayaa sameyneysay dhammaantood maaha laakiin inta badan” ayuu raaciyay barnaamijka jawaasiiska ah.

Fahad Yaasiin ayaa ah malkiilaha Dawlada Soomaaliya isagoo shantii sano lasoo dhaafay ahaa marjaca ugu dambeeya ee iska leh go’aanka ugu Xukunka dalka.


Dawlada Qatar ayuuna gacan saar dhaw la lahaa,isagoo sidoo kale ahaa mar soo ahaa wariye ushaqeenayey telefishinka afka carabiga ku hadla ee Aljazeera ee Doha xaruntiisu tahay.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment