Al-Shabaab oo fagaare ku toogatay Askari kamid ah Ciidanka DFS

Bulsha:- Kooxda Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla degaanka Gamboole oo kamid ah degaannada hoostaga Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ku toogtay Nin la sheegay in uu ahaa Askari katirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Askariga la toogtay oo lagu Magacaabi jiray Abuukar Isaaq Ciise oo 24 jir ah ayaa Al-Shabaab kal hore gacanta ku dhigeen, waxaana Goobta toogashada ku sugnaa qaar kamid ah dadka degaanka Gamboole oo ay ku amreen inay daawadaan sida ay u dhaceyso toogashada.

Al-Shabaab ma shaacin halka ay kasoo qabteen askariga iyo xilliga ay qabteen, balse kaliya ay sheegeen in uu kamid ahaa Askarta Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dhowr jeer oo hore ayaa Al-Shabaab fagaarayaal kuyaalla degaannada ay maamulaan waxaa ay ku toogteen rag iyo Dumar ay ku eedeeyeen inay sirdoon u ahaayeen Dowladda Soomaaliya iyo dowladaha taageera.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment