CC Shakuur oo loo ogolaaday kursiga xildhibaan balse hal caqabad oo culus wajahaya

Bulsha:- Arbacadii waxaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan oo shan sano ku kharash gareeyey mucaaradnimada Farmaajo, ayaa hadda u tartamaya kursiga Hop138 ee golaha shacabka.

Masuuliyiin heer federaal ah, maamulka magaalada Dhuusamareeb, wasiirro ka tirsan Galmudug iyo dadweyne badan ayaa Cabdiraxmaan ku soo dhaweeyey deegaan doorashadiisa.

Qoraal uu boggiisa Facebook-ga ku daabacay waxuu ku sheegay in Dhuusamreeb uu u tegay inuu tartamo mid ka mid ah kuraasta golaha shacabka, isagoo rajeeyey in doorashada kursigaas ay noqoto mid hufan.

Dad badan waxay is weydiinayaan Cabdiraxmaan kursi maka soo heli doonaa Dhuusamareeb? Hadii Cabdiraxmaan uu soo waayo kursiga beeshiisa ee golaha shacabka, waxay caqabad weyn ku noqon doontaa damaciisa Villa Somalia iyo halgankii waqtiga dheeraa ee siyaasadda.

Inkastoo waxa hadda dalka ka socda aan doorasho lagu qeexi karin, hadana inaad kasoo dhex-baxdo mashruucaan doorashada shabaha ama aad ku dhacdo, waxay labadaas dadweynuhu u qaadan karaan qiimeyn toos ah.

Markii laga hadlayo xaalka doorashada ee sanadkaan, afar dhinac ayaa laga eegayaa kursigaan, waa sida uu kuu garab taagan yahay maamulka gacanta ku haya kursiga, qabiilka kurisga leh, guddiga doorashada maamulaya iyo xaalka tartamayaasha.

Markii hore dhaqaalaha ayaa macne weyn lahaa, laakiin hadda dad badan oo dhaqaale heystay ayaa sanadkaan kuraastii loo soo diiday. Hadii aan kala qaadno dhinacyadaas oo aan waafajino Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

1 – Maamulka Galmudug

Hoggaamiyaha Galmudug Axmed Qoor Qoor waxaa la sheegay inuu ogolyahay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu qaato kursiga beeshiisa, laakiin ma rabo inuu u xoogo sidii loo sameeyey ragga qaar.

Shirkii ugu dambeeyey oo seddax cisho ka hor ay Muqdisho ku yeesheen Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Qoor Qoor waxaa la isla qaatay in maamulku uusan aad u fara gelin kursigaan, balse si dadban uu u taageero Cabdiraxmaan.

In maamulku uusan ku diidaneyn, oo dagaal uusan kugula jirin waa fursad muhiim ah xilligaan.


2 – Qabiilka

Seddax jufo ayuu ka dhaxeeyaa kurigaan, odayaasha ay taladu ka go’do ee 3-daas jufo iyo dhalinyaradu waxay ka mideysan yihiin rabitaanka ah in kursigaan la siiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Rabitaanka ay beeshiisu u qabto Cabdiraxmaan ayaa dhabarjab ku ah musharaxiinta kale ee raadineysa kurisgaan.

Waxaa la xaqiijiyey in beeshu isku raacday inay sanadkaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur doortaan.

3 – Musharaxiinta kale

Kursigaan Xildhibaankii horay ugu fadhiyey oo ah Saciid Nuur Giriish ayaa la sheegay in weli damac ku jiro oo sanadkaan uu qorsheynayo in mar kale uu u tartamo kursigaan. Hase yeeshee Saciid waxuu wajahayaa dood ku saabsan metelaadiisii shantii sano ee lasoo dhaafay.

Taardhuleed oo wasiir ka soo noqday Galmudug, deegaankana aad looga yaqaano ayaa isna ka mid ah musharaxiinta kursiga Hop138, waxaana jira warar sheegaaya in musharaxnimada Taardhuleed uu  gacan ku leeyahay Fahad Yaasiin oo u soo dhex-maray xubin ka mid ah guddiga doorashada Galmudug.

Sidoo kale waxaa jira nin la yiraahdo Cabdinaasir Cabdi Caruush oo sida la sheegay dooqa koowaad u ah Villa Somalia. Xubnihii kale ee u tartamaayey kursigaan waxaa la sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur ay u tanaasuleen.

Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa waxaa ka go’an inay taageeraan cid kasta oo Cabdiraxmaan Cabdishakuur dhaafi karta kursigaan, si loo qab-jebiyo.


Sidoo kale waxaa jira culeys ka imaanaya dhanka guddoomiyaha guddiga doorashada Galmudug Maxamed Daahir Guuleed, kaas oo ka soo jeeda beesha iska leh kursigaan.

Guddoomiye Maxamed Daahir iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa la sheegay in aysan isku fiicneyn.

Si walbaba markii dhinacyo badan laga fiiriyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa la saadaalinayaa inuu ku soo bixi doono kursiga Hop 138 oo la dooranayo horaanta todobaadka soo socda.

Abdullahi Osman Farah










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment