Xukuumadda Soomaaliya oo beenisay Warar lagu faafiyay Baraha Bulshada

Bulsha:- Wasiirka Gaadiidka Xuluumadda xilgaarsiinta Duran Axmed Faarax ayaa Maanta oo taariikhdu tahay 5 Janaayo 2022 beeniyay war lagu faafiyay baraha bulshada kuwaas oo la xariira Maamulka hawadda Dalka.

Wasiir Duran Axmed Faarax ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in Maamulka hawadda dalka lagu wareejiyay Shirkad gaar loo leeyahay taas oo fadhigeedu yahay Maraykanka.

”XFS oo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ay masuul uga tahay maamulka hawadda uma qorshaysna in Maamulka hawadda ay ku wareejiso shirkad gaar loo leeyahay, waana been abuur wararkaas lagu faafiyay baraha bulshada” ayuu Yiri Wasiir Duran Axmed faarax.

Soomaaliya ayaa maamusha hawadeeda, waxaana tan ay qayb ka tahay horumaradda ay ku talaabasatay dawladda soomaaliya ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment