DFS oo lacag loogu talo galay Abaaraha ku wareejisay Dowlad Goboleedyada

Bulsha:- Guddigii Gurmadka Abaaraha ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa bilaabay qeybinta qoondadii lacageed ee Dowladdu ugu talo gashay gurmadka abaaraha.
Guddiga oo ay guddoomiye u tahay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka XFS Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta gargaar  lacageed oo loogu talo galay dadka abaaruhu saameeyeen  ku wareejiyay   Dowlad-goboleedyada dalka .

Munaasabadda wareejinta qoondadan oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa  ka soo qeyb galay Wasiirrada gargaarka ee Dowlad-goboleedyada iyadoo ay goobjoog ahaayeen xubnaha wasiirrada ah ee Guddiga Gurmadka abaaraha.


Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka hadashay munaasabaddii qeybinta qoondada lacageed ee dowladdu ugu talo gashay gurmadka abaaraha.

Sidoo kale Wasiir Wasiirka Gargaarka ee Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya oo ku hadlay magaca dowlad goboleedyada ayaa uga mahadceliyay dowladda gurmadka ay soo gaarsiisay, isagoo ballan qaaday in la gaarsiin doono dadkii loogu talo galay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment