SAWIRRO: Markab uu leeyahay Imaaraadka Carabta oo la qabsaday, & hub fara-badan oo saaran

Bulsha:- Xuutiyiinta dalka Yemen ee ay taageerto Iran ayaa qabsaday Markab xamuul ah oo uu ka babanaayay calanka dalka Imaaraadka Carabta, kaas oo ay sheegeen inuu siday saanad ciidan.

Af-hayeenka isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudigu S/Guuto Turki al-Malki, ayaa sheegay in markabkan oo laga qabsaday agagaarka jasiiradda Socotra ee badda cas ee Yemen, uu siday qalab caafimaad.

Sidoo kale, Afhayeen u hadlay Xuuthiyiinta, ayaa sheegay in markabkan uu ku kacay falal cadawtinimo ah oo lagu bartilmaameedsanayo ammaanka iyo xasiloonida dadka Yemen.



Warbaahinta Xuutiyiinta ayaa baahiyay sawirro muujinaya gaadiid dagaal iyo hub, ay sheegeen inuu saaran yahay Markabka, oo la geeyay dekedda Saliif oo ku taal waqooyiga Xudeyda.

Dagaalka Yemen oo socda sanadkii lixaad ayaa galaaftay nolasha boqolaal kun oo qof, halka ay ku qaxeen malaayiin kale. Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in dagaalada Yemen ay sababeen musiibo Bini-aadamnimo.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment