Ciidamada Itoobiya oo xir xiray Kumanaan Ruux oo kasoo jeeda Tigray

Bulsha:- Saraakiisha dalka Itoobiya ayaa si aan sharciga waafaqsanayn u xiray kumannaan qof oo ka soo jeeda qowmiyadda Tigray ee dhawaan laga soo tarxiilay Sacuudiga, sida ay sheegeyso warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch.

Warbixintii ugu dambeysay ee colaadda Itoobiya oo soo xiganeysa dad goobjoogayaal ah ayaa ku tilmaamay xarig wadareedyo loo geystay qowmiyada Tigrayga.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay beegsaneyso dadka looga shakisan yahay in ay taageerayaan ciidamada Tigray-ga ee dagaalka kula jiray dowladda tan iyo bishii November 2020, balse dib ugu laabtay gobolkooda toddobaadyo ka hor.

Sida ay qortay walaaladda wararka ee AP, Nadia Hardman, oo ah cilmi-baare xuquuqda qaxootiga iyo muhaajiriinta, kana tirsan Human Rights Watch ayaa tiri: “Muhaajiriinta Tigreega ah ee tacadiyada xun kala kulmay xabsiga Sucuudiga ayaa lagu xirayaa xarumaha lagu hayo marka ay ku laabtaan Itoobiya.

Waxay Nadia ugu baaqday Sacuudiga inay ilaaliyaan xaquuqda dadkan, isla markaana ay joojiyaan tarxiilkooda, taa beddelkeedana ay caawiyaan wakiilka sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga si ay u helaan ilaalin caalami ah.


Kumannaan Itoobiyaan ah oo intooda badan kasoo jeeda gobollada Tigreega iyo Axmaarada ayaa sanad kasta si sharci darro ah ugu socdaala dalka Sacuudiga, iyaga oo sii mara dalka Yemen si ay u helaan nolol dhaanta tan ay ku suganyihiin, balse mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa masaafuriyay kumannaan ka mid ah dadkaasi sanadihii lasoo dhaafay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment