Daacish iyo Alshabaab oo dagaal ku dhex maray buuraleyda gobolka Bari

Bulsha:- Wararka ka imaanaya gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in buuraleyda Cal-miskaad uu iskahorimaad hubeysan ku dhex maray dagaalamayaal ka tirsan Daacish iyo Alshabaab.

Dagaalka oo sida wararku sheegayaan dhacay shalay ayaa waxaa ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.
Sida ay sheegeen dad ku sugan deegaan u dhow halka uu dagaalku ka dhacay iskahorimaadka ayaa dhashay kadib markii maleeshiyaadka labada dhinac ay ku kulmeen meel tog ah.

Daacish iyo Alshabaab ayaa saldhigyo ku leh buuralayda gobolka Bari iyagoo la dagaalama ciidamada Puntland hase yeeshee labada urur ayaa mararka qaar waxaa dhex mara dagaal iyagoo aan ku ahayn heshiis dagaalka ay kula jiraan maamulka Puntland.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment