XogCusub:- Somalia oo halis ugu jirto inay weyso codka ay ku leedahay Qaramada Midoobay

Bulsha:- Warbixin cusub oo kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu soo bandhigay liiska wadamada aan weli bixin lacagaha qaaraanka ah ee miisaaniyadda golaha guud Qaramada Midoobay, waxaana qeyb ka ah dalka Soomaaliya.

Warbixinta ayaa muujineyso in Soomaaliya ay haatan halis ugu jirto inay weyso codka ay ku leedahay Qaramada Midoobay, maadaama aysan bixin lacagta deynta ah oo dhan 1.4 milyan, sida lagu soo bandhigay shaxda wadamada aan bixin oo ay Soomaaliya ku jirto.

Xeerka Qaramada Midoobay ayaa dhigaya in dal kasta oo aan bixin lacagta uu weynayo xuquuqda codeynta ee golaha guud, haddii aysan jirin duruuf ka baxsan gacanta dalka.

‘Xubin ka tirsan Qaramada Midoobay oo lagu leeyahay dayn bixinta tabarucaadkeeda maaliyadeed ee Ururka wax cod ah kuma yeelan karo Golaha Guud haddii inta ay le’eg tahay ama ka badan tahay qaddarka qaaraanka ee ka soo baxay labada hore oo buuxa,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale warbixinta ayaa intaasi kusii dareysa “Si kastaba ha ahaatee, wuxuu u ogolaan karaa xubintaasi inuu codeeyo haddii uu ku qanco in bixin la’aanta ay sabab u tahay shuruudo ka baxsan xakamaynta xubinta,”.

Soomaaliya oo ay muhiim u tahay kasii mid ahaanshaha QM, si ay uga soo muuqato fagaarayaasha caalamka ayaa waxa ay tahay inay iska bixiso lacagta lagu leeyahay, taas oo ay muddo iska bixin, balse saameyn ku yeelan karto codka ay ku leedahay golaha guud.

QM ayaa horey u go’aamisay in Soomaaliya, Comoros, Sao Tome & Principe loo ogolaado inay codkooda ka dhiibtaan Golaha illaa dhamamadka kalfadhiga lix iyo todobaatanaad.


Si kasabtaba, Soomaaliya ayaa bishii June ee sanadkii 2020-kii loo doortay inay ka mid noqoto 21-da Madaxweyne ku xigeen ee fadhigga 75-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay, jagadaas oo ay Soomaaliya ugu dambeysay sanadka marka uu ahaa 1979-kii.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment