Mareykanka oo Dowladda Ruushka ugu hanjabay weerar culus hadii uusan ka waan toobin….

Bulsha:- Ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Wendy Sherman ayaa uga digtay Ruushka inuu kala doorto diblomaasiyad amaba iska hor imaad dhex mara Galbeedka.

Hadalkan ayay sheegtay kaddib wada hadallo dhex maray Nato iyo Ruushka, waana mid ka mid ah saddex kulan diblomaasiyadeed oo toddobaadkan dhacay loogana gol lahaa yareynta xiisadda Ukraine.

Ku xigeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Alexander Grushko ayaa isna sheegay in Nato ay awoodi weysay oggolaanshaha dalabaadka Moscow.

Liiska dalabaadka waxaa ka mid ah in Ukraine aysan weligeed ku biiri karin Nato.

Ilaa 100,000 oo ciidamo Ruushka ka socda ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin meel u dhow xadka Ukraine, taas oo keentay cabsi laga qabo inay xoog ku galaan dalkaas.

Sherman ayaa mar kale ku celisay in Mareykanka iyo dalalka kale ee xubnaha ka ah Nato aysan marnaba oggolaan doonin in codka diidmada qayaxan loo adeegsado Ukraine, iyadoo sheegtay in isbahaysiga militari uu ku dhaqmo siyaasadda albaabka furan. Hadafka ah inay Nato ku biirto wuxuu qeyb ka yahay dastuurka Ukraine.

Balse waxay sheegtay inay jiraan meelo kale oo la isaga soo dhowaan karo, isla markaana Ruushka uu ku qasban yahay inuu go’aansado waxa xiga ee dhici doona.
Waxay sheegtay in Mareykanka iyo Nato ay isu diyaarinayaan wax walba oo suurto gal ah.

Ruushka ayaa soo bandhigay dalabaadyo dhowr ah oo uu uga dan leeyahay inuu ka hortago in Nato ay ku ballaarato bariga sidoo kalena lagu yareynayo joogitaanka isbahaysiga ee meelaha u dhow xudduudaha Ruushka.

Nato ayaa si qayaxan u diidday dalabaadyadaas balse waxay sheegtay inay rajeyneyso inay ka wada hadlaan arrimaha kale ee xakameynta hubka iyo xaddidaadda howlaha militari.

Nato, ama Ururka Cahdiga Waqooyiga Atlaantikada, waa isbahaysi difaac oo ay xubno ka yihiin 30 dal, waxaana markii ugu horreysay la aasaasay sanadkii 1949.


Isha: BBC Somali










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment