DEG DEG: Guddiga doorashooyinka federaalka oo war ka soo saaray khilaafka doorashada Galmudug

Bulsha:- Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa ka soo hor jeestay xil ka qaadistii maanta la sheegay in lagu sameeyey guddoomiyaha guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug Maxamed Daahir Guuleed.

Afhayeenka guddiga doorashada heer federaal Axmed Safiino oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in warqadii maanta lagu faafiyey bogga rasmiga ah ee guddiga doorashada Galmudug aysan sax aheyn.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in xubinhii soo saaray warqadaas ee ku dhawaaqay inay xilkii ka qaadeen guddoomiyahooda uu guddiga heer federaal anshax marin ku sameyn doono.

“Guddiga doorashada Galmudug wax shir ah oo ay guddoomiyahoodii ku rideen ama mid kale ku doorteen ma uusan yeelan, sidaas dartee cidii been abuurka sameysay tallaabo ayaan ka qaadi doonaa,” ayuu yiri afhayeenka guddiga doorashada heer federaal Axmed Safiina.

Xubnaha guddiga doorashooyinka Galmudug ee maanta sheegay inay xilkii ka qaadeen guddoomiyahooda Maxamed Daahir Guuleed ayaa warqadooda ku shaaciyey inay guddoomiye cusub u doorteen Maxamed Qaasim Maxamuud oo horay u ahaa xogyaha guddiga.

Hoos ka daawo afhayeenka











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment