DEG DEG: Dibed-bax lagu waday inuu berri ka dhaco Muqdisho oo dib loo dhigay

Bulsha:- Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dib loo dhigay banaanbaxii beri ka dhici lahaa magaalada Muqdisho kaasoo ay abaabulayeen xubno ka tirsan mucaaradka dowlada Somalia.

Dibed baxan ayaa ujeedadiisu aheyd in lagu taageero qodobadii ka soo baxay shirkii golaha wadatashiga Qaranka, laguna cambaareeyo talaabadii isku dayga afgembi lagu sheegay ee dhowaan lagu sameeyey RW Rooble.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo hoggaaminayay qaar ka mid ah oday dhaqameedyada Muqdisho iyo Guddigii qaban qaabada bannaan baxa berri dhici lahaa ayaa isku afgartay in dib loo dhigo bannaanbixii loo balansanaa.

Ugaaska ayaa ku guuleystay dadaalo uu saacadihii la soo dhaafay waday, isagoo gogol u dhigay dhinacyadii ku lugta lahaa qaban qaabada bannaanbaxa oo laga cabsi qabay inuu khalalaase ka dhaliyo Muqdisho, lamana shaacin xiliga kale ee la qaban doono.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment