XOGCusub: Abaabul ka socda Xafiiska Md Farmaajo & qorshaha la diyaarinayo

Bulsha:- Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka socda dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo xoog leh taas oo lasoo warinayo in qorsheyaal cusub la dejinayo.

Madaxweynaha ayaa xalay ka hor yimid tallaabadii uu shalay R/wasaare Rooble qaaday ee aheyd lacagtii imaaraat-ka laga xanibay Afar sano ka hor uu ufasaxay in ay la bixi karaan.

Farmaajo ayaa amar dul dhigay Gudoomiyaha Bankiga dhexe isagoo faray in aan lacagtaasi oo gaareysa kudhawaad 10 milyan dollarka mareykanka aan la bixin karin.

Siyaasiyiin ka ag dhaw Madaxweynaha ayaa sheegay in ay socdaan qorshe lagu magacaabo R/wasaare Cusub kaas oo bedel unoqonaya Maxamed Xuseen Rooble.

Suurta galnimada waqtiyada soo aadan ayaa la sheegay in lagu dhawaaqo R/wasaaraha si uu howsha doorashada meesheeda uga sii wado maadaama Rooble lagu eedeeyey dhul dan guud ah uu dhisanayo islamarkaana howshii loo xilsaaray wax aan aheyn uu faraha la galay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa latashiyadii udambeeyey la yeelanaya dhinacyada ka ag dhaw si loo soo saaro digreetada magacaabida R/wasaaraha cusub iyadoo la ogeyn xaalada dalka ay gelin karto.


Sida la saadaalinayo R/wasaare ayaa loo magacaabi doonaa mid ka mid ah shakhsiyaadka udhaw Madaxweyne Farmaajo waxaana macquul ah in Cali Maxamed Geedi la magacaabo.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment