Madaxweyne Farmaajo iyo Saadaq Joon oo kulmay iyo Xog ku aadan waxii ay kawada hadleen

Bulsha:- Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in xalay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kulan albaabada u xirnaayeen ku yeesheen Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo iyo Jeneraal Saadaq Joon.

Sargaal katirsan madaxtooyada ayaa warbaahinta u sheegay in kulanka ka dhashay codsi ka yimid Saadaq Joon oo ku adaa in uu la kulmo Madaxweyne Farmaajo 8-bilood, kadib markii Farmaajo derajada ciidan ka xayuubiyay Saadaq Joon oo kahor yimid mudo kororsi.

Sida aan wararka ku helnay kulanka Farmaajo iyo Saadaq Joon ayaa ahaa mid is cafin sidoo kale diirada lagu saaray sidii ay mar kale isugu soo dhawaan lahaayeen uuna Saadaq Joon qeyb uga noqon lahaa xulufada Farmaajo kana haro siyaasiyiinta mucaaradka.

Saadaq Joon ayaa wararku sheegayaan in uu aqbalay qaar kamid ah qodabadii uu usoo jeediyay Madaxweyne Farmaajo halka qodabada qaarna ka codsaday in uu siiyo waqti uu uga soo fekero.

Xoggaha aan helnay ayaa sheegaya in kulanka Saadaq Joon la qaatay Farmaajo ka horeeyay kulamo kale uu la qaatay Fahad Yaasiin iyo Cabdiraxmaan Dheere oo ah xubnaha gacanta ku haya siyaasadda Farmaajo .

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo saaxiib dhaw la ah Saadaq Joon ayaa wararku sheegayaan in uu qeyb ka ahaa in Saadaq mowqifkiisa bedelo wadahadlna la furo Madaxweyne Farmaajo .


Farmaajo ayaa mudooyinkan waday kulamo uu la qaadayay saraakiil kasoo jeeda beesha Hawiye oo qeyb ka ahaa ciidankii Badbaado Qaran, kuwaa uu u sameeyay balan qaadyo si aysan markale hormuud ugu noqon in mucaaradku adeegsadaan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment