Muqdisho :- Kulan u socdo Golaha wadatashiga & Midowga Musharrixiinta

Bulsha:- Weli waxaa Magaalada Muqdisho ka socda Shirka Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka, kaas oo galay Maalintii lixaad lana filayo in dhawaan la soo geba-gabeeyo.

Shirka ayaa waxaa Maanta ka qeyb galaya Xubno katirsan Midowga Musharaxiinta, waxaana kulankooda uga wada hadlayaan Dardargelinta Arrimaha Doorashooyinka iyo sidii loo sixi lahaa khalalaadkii dhacay.

Golaha wadatashiga Qaran ayaa la wadaagaya Midowga Musharrixiinta qodobada heshiiska doorashooyinka oo ay wada gaareen Golaha wadatashiga si heshiiska oo lagu wada qanacsan yahay loo soo saaro.

Golaha wadatashiga ayaa horay warbixino iyo talooyin uga duageystay, Midowga Musharrixiinta, Bulshada Rayidka iyo Wakiilada Beesha Caalamka, kuwaas oo ka qeyb galay kulamadii ay yeesheen Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.

Beesha Caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeed ayaa isha ku haaya waxa laga filan karo soo geba-gabeynta Shirka Golaha wadatashiga, kaas oo la filayo in saacadaha soo socda Warmurtiyeed laga soo saaro.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment