Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Demeqe Makonnin oo sheegay go’aanka dowladda ee ku aaddan iney ciidamadu gelin gobolka Tigraay

Bulsha:- Ra’isal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Demeqe Makonnin ayaa sheegay go’aanka dowladda ee ku aaddan iney ciidamadu gelin gobolka Tigraay uu yahay mid looga gol leeyahay in laga fakaro xal aan dagaal ahayn.

Demeqe wuxuu sheegay dowladdu Itoobiya iney kaalinteeda ka soo baxday uu xilka hadda la jiro fallaagada TPLF.

Go’aanka dowladda ciidamadeedu ku amartay iney deegaanka Tigraay gudaha u gelin oo si weyn loo soo dhaweeyey in laga faa’ideysto ay ku xiran tahay sida ay fallaagada u dhaqanto.

Wuxuuna carrabka ku dhuftay go’aannada ay Washington ka qaadatay arrimaha Itoobiya inuu yahay mid lagu degdegay Itoobiyana ay aad uga xun tahay.

Itoobiyana waxay qaramada midoobay ogeysiineysaa ayuu yiri mowqifa ku aaddan Itoobiya iney wax ka baddasho.

Dagaalka Itoobiya ka socday in ka badan sanad wuxuu ahaa ayuu yidhi mid shucuubta dalka mideeyey isla-markaana Addis Ababa ay ku kasbatay saaxibbo badan oo caalami ah.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment