Dab Ka Kacay Xarunta Baarlamaanka Koonfur Afrika ee Cape Town

Bulsha:-  Waxaa maanta dab xoogan uu ka kacay xarunta baarlamaanka koonfur afrika ee magaalada Cape Town ee dalkaas.

Dabka ayaa ka bilawday qeybta sare ee xarunta baarlamaanka subaxnimadii hore ee saaka oo axad ah, waxaana uu ku fiday dhamaan qeybaha kale ee xarunta.

JP Smith, oo ah xubin ka tirsan guddiga badbaadada iyo amniga ee magaalada Cape Town ayaa sheegay in ay xiliga uu dabka kacay ay bilaabeen gurmad xooggan iyadgoo xusay in ay in kabadan 36 dabdamis ay keenen xarunta baarlamaanka.

Dabka ayaa ka bilaawday xafiisyada dabaqa sadexaad wuxuuna ku fiday aqalka baarlamaanka qaranka, sida uu warbaahinta gudaha u sheegay afhayeenka adeega dab damiska ee magaalada Cape Town Jermaine Carelse.

Ma jirto wax dad ah oo ku dhaawacmay dabkan, sida ay sheegeen ilaalada, Carelse.

Sawirrada xarunta laga soo qaaday  ayaa muujinaya holac aad u badan oo ka baxaya saqafka sare ee baarlamaanka .

Aqallada baarlamaanka ee magaalada Cape Town ayaa ka kooban saddex qeybood. Dhismaha asalka ah iyo kan ugu da’da weyn ayaa la dhameeyay 1884. Ku-darka cusub, oo la dhisay 1920-meeyadii iyo 1980-aadkii, ayaa u ah Golaha Qaranka.

Sawirada dabka 













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment