Ciidamo ka tirsan DANAB oo qarax lagula beegsaday duleedka Dhuusamareeb

Bulsha:- Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya iun maanta qarax miino uu ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb, kaas oo laga helayo faah faahino kala duwan.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Danab oo marayey halkaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Ugu yaraan illaa saddex askari oo ka tirsan ciidamada Danab ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, kuwaas oo loo soo qaaday magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Ciidamada la qarxiyey ayaa ku sii jeeday dhinaca deegaanka Ceeldheere oo ay ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa qarax kadib howl-gal kooban ka sameeyey wadada isku xirta Ceeldheere iyo Dhuusamareeb, balse ma jirto illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka oo la xiriira weerarkaasi.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada Xoogga dalka ayaa howl-gallo ballaaran ka waday deegaanada Galmudug, gaar ahaan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah ka fulisa Dhuusamareeb iyo deegaanada kale ee ku teedsan, taas oo keentay dhaq-dhaqaaqyada ay haatan ciidamada Danab iyo kuwa Daraawiishta dowlad goboleedka Galmudug ay ka wadaan halkaasi.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment