WAR DEG DEG AH: Guddoomiyihii Guddiga Doorashooyinka Puntland oo is-casilay

Bulsha:- Waxaa ku dhawaaqay in uu xilkii iska casilay Guddoomiyihii Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland  Guuleed Saalax Barre ayaa iska casiley, kaas oo warqadiisa is casilaada u gudbiyay Xubnaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland.

Qoraal dheer ee uu soo saaray ayuu ku sheegay in uu jeclaa u Shaqeynta dadkiisa balse duruuro ka hor yimid dartood uu goostay inuu banneeyo booska, hayeeshee uusan faah faahin ka bixin duruufahaas.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka uu ku faah faahiyay is casilaadiisa Guddoomiyihii Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland .

Saaka waxaan ugudbiyay Xubnaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland warqad aan ku bannaynayo jagada Guddoomiyanimo ee Guddiga, sidoo kale isla saaka waxaan Guddoomiyaha Baarlamaanka la wadaagay warqad aan isaga casilayo xubinimaddii Guddiga ee aan kusoo shaqaynayay muddo 2 sano iyo bar ah. Waxaan qorshaynayay inaan qayb kasii ahaado shaqada adag ee Xubnaha Sare iyo Shaqaalaha Guddigu u hayaan bulshada reer Puntland, laakiin duruuro iga hor yimid dartood waxaan goostay inaan banneeyo booska.

Aniga oo ku  kalsoon aqoonta, khibradda, kartida iyo iskuduubnaanta Xubnaha Sare iyo Shaqaalaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland, waxaan ALLE idankiis hubaa in shaqada qaybta harsan ay si habsami leh ku dhamayndoonaan. Shaqada inteeda badan waxaa awalba hayay xubnaha kale iyo shaqaalaha, Guddoon ahaan kaalintayadu waxay ku koobnayn hogaamin, matalaad iyo hagis guud.

Waxaan u mahadcelinayaa cid walba oo gacanqabad iyo taageero siisay Hay’adda Doorashooyinka si guud anigana si gaar ah muddadii aan hogaaminayay Hay’adda. Si gaar ah waxaan ugu mahadcelin Madaxweynaha iyo dhamaan masuuliyiinta dawladda, ururada siyaasadda, ururada bulshada, dadweynaha reer Puntland iyo saaxiibada beesha caalamka.

Ugu dambayn waxaan u mahadcelinayaa xubnaha sare iyo shaqaalaha Guddiga oo aan soo wada qabanay shaqo adag duruufo adagna aan soo wada marnay.

Bulshada reer Puntland oo aan aragnay sida ay ugu baahiqabaan nidaam dawladnimo oo ku yimaada doorasho dadweyne oo  xalaal ah, waxaan ku kalsoonahay in dawlad iyo dadweynaba aan hayaanka iyo tubta cagta la saaray marna aan laga noqondoonin.

Muddadii aan hogaaminayay Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland wixii wanaagsanaa ee na qabsoomay mahaddeeda ALLE ayaa iska leh, ka sokow xubnihii iyo shaqaalihii Guddiga ee muujiyay hawlkarnimo, daacadnimo iyo iskuduubni. Wixii farsamo ahaan naga qaldamay muddadaas masuuliyaddeeda aniga ayaa qaadaya cudurdaar iyo raaligelina  kasiinaya dadweynaha reer Puntland.

Aniga oo muwaadin ah waxaan marwalba diyaar u ahaandoonaa inaan talo iyo tabarba la garab istaago dhamaystirka hirgalinta hannaanka xisbiyada badan ee Puntland.

Guul ayaan idiin wada rajayn.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment