Khilaafka ka dhex aloosan Baarlamaanka Galmudug oo waji kale yeeshay iyo Gudoomiye ka hor yimid

Bulsha:- Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamanka Galmudug C/llaahi Xirsi Maxamed ayaa ka horyimid Go’aan isaga iyo Xildhibaano kale looga joojiyay afar fadhi oo ka mid ah fadhiyada Baarlamaanka.

Cabdullaahi Xirsi ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ku eedeeyay inuu ku xadgudbay sharciga iyo xeer-hoosaadka Maamulka, isla markaana uu ku been abuurtay Dastuurka Galmudug u yaalla.

Qoraal uu soo saaray ayuu Cabdullaahi Xirsi ku sheegay in Guddoomiye Maxamed Nuur Gacal uu isticmaalay awood dheeraad ah oo uusan siineynin xeer-hoosaadka Baarlamaanka.

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa Xildhibaanada ugu baaqay inay u midoobaan sidii ay uga hortagi lahaayeen Guddoomiye Gacal oo uu ku eedeeyey inuu soo saarey go’aan qaldan

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa afar fadhi iyo Gunno laba bil ka joojiyay Xildhibaano ka tirsan Galmudug oo uu ku jiro Guddoomiye Cabdullaahi Xirsi Maxamed ka dib markii lagu eedeeyey inay ku xadgudbeen xeer hoosaadka iyo dastuurka u qoran Baarlamaanka Galmudug.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment