DEG-DEG: Ciidanka NISA oo lagu amray inay kasoo baxaan garoonka diyaaradaha Muqdisho

Bulsha:- Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa ku amray Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka in laga soo saaro Ciidanka NISA garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, si buuxdana Amniga garoonka ay ula wareegaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Waraaq uu u diray Wasiir Cabdullaahi Agaasime Yaasiin Farey ayaa lagu sheegay in ciidanka NISA lagu eedeeyay gacan qaad iyo handadaad joogto ah oo ay ka geysanayaan gudaha garoonka diyaaradaha, ayna cabasho kasoo gudbiyeen Hay’adaha DFS ee ka howlgalla garoonka.

Wasiirka Amniga XFS ayaa faray Agaasimaha KMG ah ee NISA in mas’uuliyadda Amni ee ay hayaan ciidanka NISA ee ku sugan garoonka Aadan Cadde ay ku wareejiyaan Booliska, dibna loo soo celiyo ciidammada iyo Talisyada NISA ee garoonka, marka laga reebo xarumaha rasmiga ah ee ay gudaha garoonka ku leeyihiin ciidammada Waran yo Gaashaan.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment