Madaxweynaha Koonfur Africa Cyril Ramaphosa oo ka hadlay munaasabad looga baroor diiqayey Desmon

Bulsha:- Isugeyn 45 wariye ayaa lagu dilay caalamka sanadkii la soo dhaafay ee 2021-ka, sida uu sheegay ururka suxufiyiinta caalamiga ah ee IFJ Jimcihii shalay, waxaana tiradani ay tahay mid nasiib wanaag ka hooseysay sanadihii ugu dambeeyay.

“In kasta oo hoos u dhacan uu yahay war soo dhaweyn leh, haddana waa nasteexo yar marka laga hadlayo rabshadaha sii socda,” ayaa lagu yiri bayaanka hay’adda IFJ ee fadhigeedu yahay magaalada Brussels.

Dhimashada waxaa ka mid ah sagaal saxafi oo lagu dilay waddanka Afghanistan, waana tirada ugu badan ee hal waddan laga diiwaan-geliyay.

Sidoo kale siddeed suxufi ayaa ku dhintay Mexico, afarna Hindiya, halka saddex kale lagu dilay waddanka Pakistan.

IFJ waxay sheegtay in shaqaalaha warbaahinta “inta badan loo dilo soo bandhigista musuqmaasuqa, dambiyada iyo ku takri-falka awoodaha ay leeyihiin bulshooyinkooda, magaalooyinkooda iyo waddamadu.”

Marka loo eego tirakoobka IFJ, gobolka Asia-Pacific, oo ay ku jirto Afghanistan, ayaa ahaa kii ugu dhimashada badnaa, waxaana lagu dilay 20. Ameerika ayaa soo raacda oo lagu dilay 10, Afrika, siddeed, Yurubna lix, halka Bariga Dhexe iyo Carabta lagu dilay hal saxafi.

Waxa ay sidoo kale xustay dhimashada laba weriye oo ku dhintay “shil halis ahaa” oo ka dhacay Iran.


Warbixinta tirokoobyada IFJ ayaa wax yar ka duwan kuwii ay soo saartay hay’ada kale ee u doodda xuquuqda saxafiyiinta ee RSF, waxaana lagu sheegay in toddoba wariye lagu dilay Mexico, lixna Afgaanistaan, iyo afar lagu kala dilay Yemen iyo India.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment